Toban sano oo kacdoon ah ka dib halkee ayuu gaaray Halgankii Suuriyiinta?

Muqdisho:– Maarso, 2011 ayuu bilowday kacdoonkii shacabka Siiriya ay ku doonayeen in ay isaga hor leexiyaan kaligii taliyaha Bishaar Al-Asad, Toban sano kedib mugdi badan ayaa ku jira Mustaqbalka dalkaas, isku day walba oo dib u hagaajin siyaasadeed ahna waxaa wali ka dhex muuqda Nidaamkii ay shacabku rabeen rididdiisa!

Sanad keddib bilowgii kacdoonka ayaa la qabtay shirkii ugu horeeyay ee “Genev 1” kaas oo ay ka soo qeyb galeen dowladahii taageerayay kooxihii ku dagaalamayay hogaanka Suuriya, Shirkaa waxaa isku hor fadhiistay Dowladaha Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Faransa, Jarmalka, Turkiga iyo Jaamacadda Carabta, si loo diyaariyo dowlad KG ah laakiin waxba kama hirgalin kulankaa.

Sidoo kale 2014-kii ayaa mar kale la iskugu yimid “Genev2” laakiin fashil ayuu kulankaasi ku dhamaaday maaddaama Mucaaradka iyo Nidaamkii Bishaar Al-Asad ay gaari waayeen wax guulo wada-hadal ah. Shirar is daba xig-xiga ayaa la qabtay ilaa la isla gaaray 2017kii “Genev8” laakiin xaalku is marin waa un buu ahaa mar walba.

Turkiga, Ruushka iyo Iiraan oo dano kala duwan ka lahaa Suuriya ayaa isku yimid sanadii 2017kii si loo gaaro xal ay dani ku xeeran tahay, kulankii koobaad ee shirkaa ayaa la isku af-gartay in la yareeyo weerarada, duqeymaha iyo dhaq-dhaqaaqa ciidan ee dhinacyada ay kala taageerayaan. Inkasta oo shirkaa la isku af-gartay haddana Ruushku waxa uu ka talaabsaday qodobo badan oo heshiiskaa qeyb ka ahaa, waxa uuna si joogto ah u sii waday dhaq-dhaqaaqiisi ciidan.

Intaa kedib, Qaramada Midoobe ayaa diyaarisay guddi sameeya Dastuur cusub kuwaa oo ka kooban Mucaaradka, Nidaamka Bishaar iyo ururada Bulshada, waxaa guddigaa loo xil saaray dib u eegista dastuurka iyo gaaridda xal siyaasadeed oo baddala isku awood sheegashada ciidan ee furimaha dagaalka.

Shan kulan oo guddigaas uu isugu yimid keddib wax xal ah waa uu gaari waayay waxa ayna dedaaladaasi ku dhamaadeen fashil maaddaama wafdigii ka socday Nidaamka Bashaar Al-Asad uu diiday in uu ka qayb galo.

Maalmo ka hor toban sano guuradii kacdoonka waxaa Doxa lagu qabtay kulan bilow cusub ah kaa oo looga arinsanayay dagaalka daba dheeraaday ee Suuriya. Kulankaan ayaa u dhexeeya Qadar, Turkiga iyo Ruushka.

Barxadda Loolanka.

Isku dayadaa fashilmay dhamaantood waxa ay muujinayaan in waddada xal-gaaridda siyaasadeed ee Siiriya aysan dhawayn, waana aragtida uu qabo Cilmi bare ka tirsan Jaamacadda Mareykanka ee George Washington Dr Ridwaan Siyaada “dagaalka Suuriya waxa uu isu bedalay garoon caalami ah oo ay ku kala xisaab baxaan Quwadaha dunida isku haya iyo kuwa gobolka.”

Waxa uu sheegay in dagaalka Suuriya uu noqday baratan dagaal oo saddex xaglood ah, Mareykanka iyo Ruushka, Iiraan, Sacuudiga iyo Turkiga, iyo dhanka saddexaad oo ah Nidaamka Bishaar Al- Asad iyo Mucaaradka.

Marka dhankaa laga eego waxaa adkaanaya xal u helidda xaaladda Suuriya iyo gaaridda is-fahan Siyaasadeed.

Waxa uu sidoo kale yiri Dr Siyaada “ Mushkiladda ugu weyn waxa ay ka taagan tahay kala hormarinta dowladahaan iyo danahooda, waxaa oo ajandayaal ah waxaa lagu xisaab xirayaa gudaha Suuriya iyo dhiiga Shacabka Siiriya.

Waxaa hubaal ah in dowladaha Ruushka iyo Iiraan ee Taageera Nidaamka Bishaar Al-Asad ay wax walba ku bixinayaan sidii uu Nidaamkaa u sii jiri lahaa waxay doontaba ha ku qaadatee, natiijada taageeradoodana waxa ay dhashay, dhaqaale xumada Suuriya, burburka iyo Shacab badankood ku nool faqriga hoostiisa.

Dhanka kale Cilmi baare Cabdiwahaab Caasi oo ka tirsan Xarunta Cilmi baarista Jasuur waxa uu qabaa in toban sano kedib bilowgii Kacdoonka Suuriya ay lagama maarmaan tahay gaaridda xal Siyaasadeed taa oo ay dayaceen Fursadaheeda Mucaaradka Siiriya sanadihii 2012 iyo 2014 xiligaa oo Mareykanku aad u taageersanaa kala guurka Siyaasadeed ee Suuriya.

Waxa uu Caasi qabaa in aysan muhiim aheyn in si dhab ah loo gaar xal siyaasadeed oo waara balse loo baahan yahay dhamaynta dagaalka joogtada noqday si loo helo xabad joojin muddada ugu dheer ee suuragalka ah.

Xal Muuqda ma jiro!

Ugu danbeyn Falanqeeye Siyaasadeed Fawaas Al-Muflix waxa uu qabaa in loolanka ka dhexeeya dhinacyada kala taageera kooxaha Suuriya isku haya uu wali taagan yahay. Ruushku wali waxa uu aaminsan yahay in maamulka saxda ah ee jira uu yahay kan Bishaar Al-Asad, waxa uuna wali u taagan yahay taageeridda naf iyo maalba si Bishaar u sii joogo.

Waxa uu intaa ku daray in albaabka wada hadalka uu mar walba ka furan yahay dhanka Ruushka balse aysan niyad ka aheyn ee ay tahay khiyaanada Mosko ay ku dooneyso fashilinta shir walba oo xal looga gaarayo dhibaatada Suuriya iyo rumeynta Kacdoonka Shacabka Siiriya.

Tarjumaad: Maxamed Cabdiqaadir Socdaal