Madaxweyne Muuse Biixi oo sheegay in abaaro baahsan ay ka jiraan Somaliland.

Madaxweynaha jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo saaka madal ka hadlay ayaa sheegay in abaabro ba’ani ku habsadeen Somaliland oo reer guuraagii dad iyo duunyoba oon ba’ani haysto.

Wuxuu ugu baaqay ganacsatada inay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaraha saameeyeen.

“In ka badan boqolkiiba 60 reer guuraagii maanta geeddii buu ku jiraa meel walbo waa laga hayaamay, waxay u bahaan yihiin boqolkiiba 70 in ka badan dadka reer guuraagu maanta in biyo la gaarsiiyo waayo barkadihii wey qalaleen”

Muuse Biixi ayaa sidoo kale sheegay inay wadaan dadaallo biyo dhaamin loogu sameynayo dadka reer guuraaga ah.