Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Puntland oo lagu dilay Maleeshiyaad iyo Saraakiil Al-Shabaab ah.

Ciidamada Puntland ayaa hawlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen Buuraleyda Golis ee Gobolka Bari, waxay ku dileen Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka PMPF.

Hawlgalkaas oo ay saacadihii u dambeeyay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada kala duwan ee Puntland, waxa lagu dilay Maleeshiyaad iyo saraakiil sare oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, inkastoo aan tiradooda la shaacin.

Sidoo kale, waxaa Al-Shabaab hawlgalka looga furtay hub nooca fudud ah iyo qalab kale, oo ay u isticmaali jireen dagaalka, sida ay sheegeen PMPF.

Illaa hadda ma jirto cid ka madax-banaan labada dhinac oo xaqiijineysa sheegashada ciidamada Puntland.

Dhanka kale howlgalkan ay ciidamada Puntland ka fuliyeen buuraleyda gobolka Bari, ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso, halkaas oo ay sheegeen inay ka furteen 400 oo maxbuus.