Halyayga Nabad iyo Nolol waa Balaayo loo Baahan Yahay!!!

Ammaan, hambalyo iyo duco ayaa loo hibeeyaa, fadhiga ayaa looga sara-kacaa haddii la arko muuqiisa, xiiso ayaa loo qabaa la kulankiisa, sharaf, xaq dhawr iyo tixgalin gaar ah ayaa loo hayaa, xaqiiqdii waa nin ka saaameyn badan Wasiirrada Federaalka.
Daacadnimo, karti, xilkasnimo iyo aragti dheer ayaa astaan u ah, Isbadal iyo horumar lixaad leh ayuu ka sameeyay G/Banaadir intii koobneyd ee uu joogay, juhdi iyo dadaal aad u ballaaran ayuu u galay sidii ay D/Hoose u soo ceshan laheyd kaalinteedii horseednimo.
Waa cusub ayaa u baryay guud ahaan bahda G/Banaadir tan iyo intii Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) loo soo magacaabay in uu noqdo Guddoomiye Ku-xigeenka G/Banaadir, arimo badan oo isugu jira dhinaca horumarinta maamulka, adkaynta amniga, jihaynta siyaasadda, habaynta hawl maalmeedka caadiga ah, isku xirka G/Banaadir & dawladda dhexe, garab-istaagga shaqaalaha iyo arimo kale oo badan ayuu ku guulaystay nikaasi.
hubaashi xafiiskiisa cid kasta ayuu u furan yahay, Muxaafad iyo Mucaarad ayuu si akhyaarnimo leh u qaabilaa haddii ay soo booqdaan, soo jiidasho waxaa leh sida uu maalin walba ula kulmo ruux kasta oo dan ka soo yeesha xafiiskiisa, shaqada kama tago inta uu joogo qof la kulankiisa u yimid, taageerayaashiisa Nabad iyo Nolol ayaa u aqoonsan in uu yahay halyeygooda.
la yaab ma leh, waana wax iska caadi ah, haddii uu qofku meel ku wanaagsanaado inay dhici karto in meelaha qaarkood lagu dhaliilo, Jaallaheena waxaa lagu dhaliilaa xawli badan iyo inuu arimaha qaarkood si aan caadi aheyn ugu talax tago.
Haddii aan la is xasdeyn ninkaasi wanaagiisa ayaa kun jeer ka badan waxyaabaha mararka qaarkood ka dhaca, waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay “Balaayo loo Baahan Yahay”
WQ:C/Laahi Shiikhaalow