Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS oo la kulmay dhigiisa dalka Masar.

Muqdisho:– Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta (XFS) Mudane Cumar Cali Rooble oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cumar Faaruuq Sh. Cabdicasiis Iyo Danjiraha Soomaaliya ee dalka Masar Amb. Ilyaas Sh. Cumar waxa ay la kulmeen Wasiirka Wasaaradda Awqaafta Dalka Masar Dr. Maxamed Mukhtar Jumcah.

Labada dhinac waxa ay kawada hadleen xoojinta xiriirka soo jireeynkaa ee u dhaxeeyo labada dal ee Soomaaliya iyo Masar.

Waasiirka ayaa uga mahadceliyey dowlda Masar sida ay Soomaaliya uga kaalmeyso tababarada Imaamyada iyo Khadiibyada.