Qarax saakay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan Laanta dambi-baarista Puntland ee C.I.D, saakay uu ka badbaaday qarax lala beegsaday gaarigiisa xilli uu marayay bartamaha magaalada Gaalkacyo.

Sarkaalkan oo la dhashay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxa la xaqiijiyay in uu ka badbaaday qaraxa, inkastoo Qaraxaas uu burbur gaarsiiyay gaarigiisa.

Ma jiro weli war ah oo ka soo baxay laamaha Amniga Gaalkacyo Qaraxa lala eegtay sarkalka, oo magaciisa lagu sheegay Warsame Yuusuf Axmed (Yeey)

Dhanka kale Ciidamada ammaanka ayaa saakay baaritaano ka wada goobta uu qaraxa ka dhacay