Muranka badda Soomaaliya-Kenya: Afar qodob oo qareenada Soomaaliya ee ICJ ay diiradda saareen.

Waxaa shalay magaalada Hague ee dalka Holland ka bilaabmay dhageysiga dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Qareennada matalaya Soomaaliya ayaa shalay gudbiyay qaar ka mid ah doodahooda ku aadan muranka badda.

Dowladda Kenya ayaa horay u shaacisay in aysan ka qeyb gali doonin dhageysiga dacwada ee shalay ka bilaabatay maxkamada Cadaaladda Caalamiga ee ICJ.

Waxay dalbatay in 30-daqiiqo oo furitaanka ah la siiyo, balse waa laga diiday sida ay wararka sheegayaan. Qaar ka mid ah qodobada ay qareenada Soomaaliya ka hadleen:

Heshiiskii Isfahanka ahaa 2009-kii (MOU)

Mid ka mid ah qareennada Soomaaliya, Philippe Sands, oo Shuruucda caalamiga ah ka dhiga University College London, ayaa qodobkan ku bilaabay, wuxuuna sheegay in heshiiskii isfahanka ahaa ee ay labada dal kala saxiixdeen sannadkii 2009-kii, uusan wax khilaaf ah ku ahayn dacwadda.

Wuxuu sheegay in ay ku doodayso in heshiiskaas uu ka mid ahaa qodobbada ay Kenya illaa iyo hadda cuskaneyso.

Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa kala saxiixday heshiis isfahan ahaa oo la xiriiray xadka badda ee labada dhinac.

Heshiiskaas waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah.

Dhanka Kenya waxaa u saxiixay Moses Wetangula, oo markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya.

Heshiiskaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hannaankii loo mari lahaa oo ah in wadahadal lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya.

August 1, 2009: – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood dheer ka dib, aqlabiyad ballaaran ugu codeeyay in la laalo heshiiska is afgaradka ahaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya.

Kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen ayay Baaramaanka gebi ahaanba ku diideen in xitaa doodda ku saabsan arrintan dib loo dhigo, oo ‘wasiirka arrintan khuseyso la siiyo fursad uu ku faahfaahiyo heshiiska’.

Warbixinnada iska hor imaanaya ee ay Kenya maxkamadda gaysay

Qareenka ayaa sidoo kale ka hadlay in warbixinno iska hor imaanaya ay Kenya maxkamadda ka jeedisay intii uu kiiskan socday.

“Hadallo is khilaafsan ayay hore ugu sheegtay Maxkamadan. Dib u cusboonaysiinteeda, Kenya waxay ku doodeysaa in dhinacyada ay xaddideen soohdintooda iyagoo raalli ka ah muddo dheer ka hor, inta aysan Soomaaliya dacwadeeda gudbin ka hor.” Ayuu yiri qareenka.

Kenya waxay si isdaba joog ah maxkamadda ugu sheegtay in dhinacyada ay si cad isugu raaceen in xudduudda badahooda.

Soohdinta waxaa xadeyn doona mustaqbalka geedi socodka gorgortanka.

Kooxda Soomaaliya

Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee sannadkii 2014-kii, maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.

Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo.

Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100km oo isku wareeg ah.

Markii hore kiiska wuxuu ku saabsanaa in ICJ ay dhagesan karto muranka laba dal ayna go’aan ka gaari karto.

Aagga lagu muransan yahay

Bishii December 2017 ayey Kenya xareysay jawaabteedii ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya wuxuu ku dooday in maxkamadda aysan xaq u lahayn in ay go’aan ka gaarto kiiskan. Wuxuu codsaday in arrintan ay labada dal ku xalliyaan wadahadal.

Bishii July ee sannadkii 2015-kii, ayey dowladda Soomaaliya si rasmi ah maxkamadda ICJ ugu gudbisay dacwadda ku saabsan muranka badda ee kala dhaxeeya Kenya.

Xilligaas ka hor waxaa marxalado badan laga soo maray sidii kiiska loo geyn lahaa maxkamadda.

Hadalkii Kenya ee Soomaaliya intii wadaxaajoodka uu socday

Qareenka ayaa ku doodaya in hadalladii Kenya ay sheegtay intii ay socdeen wadahadaladii laba geesoodka ahaa ee ay la galeen Soomaaliya, sanadihii 2013 iyo 2014, aysan noqon kuwa caawiyay.

“Xaqiiqda dhabta ah ee gorgortanku dhacay, iyo maqnaanshaha tixraac ku saabsan soohdinta lagu aasaasay raalli ahaanshaha intii lagu jiray wadaxaajoodyadaas, waa mid muhiim ah.” Ayuu yiri Qareenka.

“Faahfaahinta wadaxaajoodka Kenya iyo Soomaaliya waxay caddeynaysaa in labada dhinac midkoodna aaminsan yahay in ay jirto xuduudo la dejiyay oo aan ku saleysnayn raalli ahaansho iyo inaan loo marin dariiq kale.

Ra'iisul Wasaare Ku xigeenka Soomaliya, Mahdi Guuleed ayaa hoggaaminaya kooxda Soomaaliya

Bishii May 2013-kii, dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa soo saaray bayaan wadajir ah. Waxay ku micneeyeen in “labada Wasiir ay hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo in lagu shaqeeyo qaab-dhismeedka habsami u socodka howlaha badda kala xadidaya.”

Hadalkaas wadajirka ah “wuxuu si cad ula jaan qaadi karaa waxa ay rumeysan tahay Kenya ee cusub ee ah soohdinta badda ayaa horeyba u jirtay wakhti dheer, tan iyo markii si buuxda loo xadiday. Intii lagu gudajiray muddadii udhaxeysay Febraayo iyo Ogosto 2014-kii, waxay kulmeen laba jeer.

Sharciga Kenya ee ku saabsan xuduudaheeda badda ee iska hor imaanaya.

Qareenka ayaa sheegay in hadallada Kenya ee soo noqnoqday ee ay u dirtay garsoorayaasha Maxkamadda ICJ iyo Soomaaliya lafteeda, ay yihiin kuwa muujinaya in uusan jirin xad sax ah.

Qareenka ayaa sidoo kale ku doodaya in sharciga Kenya uu qorayo xuduudda baddeeda ee 1989-kii, oo la sharciyeey kaas oo illaa iyo hadda shaqeeya. Waana sharciga loo gudbiyay hay’ad Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha badaha.

Xigasho:BBCSomali