Khasaare Shabaab ka soo gaaray Dadka ku dhaqan Deegaanka Hosingow ee G/J/Hoose.

Wararka naga soo gaaraya deegaanka hoosingoow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay iska caabiyeen weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen bulshada deegaanka, taasi oo ka dambeeysay markii ay dadka ka biya diideen inay bixiyaan lacago lagu soo rogay.

Ku dhawaad 150 ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday deegaanka kuwaasi oo khasaaro xoogan loo gaystay,.

Inta la xaqiiyay 9 qof ayaa ku geeriyootay, halka 3 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha deegaanka Hoosingoow Cabduqaadir Cumar Shire.

Dadka deegaanka waxaa weerarka uga dhaawacmay laba ruux, balse 24 neef oo geel ah ayay Al-Shabaab laayeen.

Dadka deegaanka ayaa fashilay weerarka Al-Shababa ay ku soo qaadeen deegaanka Hoosingoow, waxaana shacabka deegaanka ay wajahayaan xaalad go’doon ah, tiiyoo ay u sii dheertay abaaro ku habsaday oo baa’biyay dalagyadii kala duwaanaa ee beeraha deegaanka, aydoo ay jiraan dhinaca kale xaalado biya la’aaneed oo haysta deegaanka