Kenya oo Dacwada Badda ee Soomaaliya kala dhaxaysa u gudbiso Golaha Ammaanka QM.

Garsoore Kenyan oo la hadlay warbaahinta gudaha wadankaasi ayaa sheegay inay dacwadda badda ee kala dhaxeeysa Somalia ay u gudbin doonaan Golaha amaanka QM waxana uu tilmaamay in qorshahaan ay dowladda diyaarisay ka hor inta aysan bilaaban dhageysiga Dacwada oo maalinimadii shalay ka bilaabatay Maxkamada Hige.

Ka hor intaan dacwaddu bilaaban, dowladda Kenya waxay ku dhawaaqday inay damacsan tahay inay dib uga laabato kiiska oo ay cabashadeeda u gudbiso Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, oo ay hadda xubin aan rasmi ahayn ka tahay.

Jariidada The standrad oo falanqeenaysay kiiskaan ayaa tilmamtay in dowladda Kenya qorshahaan ay ka damacsan tahay sidii ay u sii dheereyn lahayd ka doodida iyo muranka labada dal ee dariska ah ay isku hayaan soodinta dhinaca badda ee soo bilaabmay sanadkii 2014kii.

“Waxaa macquul ah in Kenyanka ay u baxeen sidoo kale rajo laga qabo in kaliya laga badin karo,” Stig Jarle Hansen oo ah aqoonyahan cilmiga siyaasada ku takhasusay kana tirsan jaamacada Noorweey University University ayaa u sheegay DW.

Qaar ka mid ah kormeerayaasha Kenya sida Mustafe Cali oo khabiir ku ah xalinta khilaafaadka iyo amniga qaranka ee Machadka ee Daraasaadka Istiraatiijiyadeed, ma rumeysna in ICJ ay ahayd meesha ugu wanaagsan ee lagu xalliyo khilaafka markii horaba.