Kaluumaysatada Kenyaanka ah “Waxaa dhici karta in xiisad ka dhax dhalato innaga iyo Bulshada Soomaaliyeed..”

Dacwada Kenya iyo Soomaaliya oo salka ku haya dhul shidaal iyo gaas ku badan oo ku yaal Badweynta Hindiya ayay ka baqdin qabaan Kaluumaysatada Kenya inuu dhaliyo isku dhac hubeysan taa oo dhibaato weyn ku ah kaluumaysatada dalkaasi Kenya.

Boqolaal kun oo Kenyan ah oo kaluumaysatada ah ayaa shaaca ka qaaday in hadii aan xal waraa laga gaarin Dacwada Badda ee Somalia iyo Kenya inay kala shaki soo dhex gali doonto Kenyaanka kaluumaysatada iyo Bulshada Soomaalida ee ku dhaqan wadankaasi.

Adam Lali oo kalluumeysatada reer Kenya ah ayaa u sheegay DW “Runtii waan ka walwalsanahay.” “Haddii aan arrimaha xuduudaha si wanaagsan loo xallin, waxay nagu keeni doonaan dhibaatooyin. Tani waxay meesha ka saari doontaa goobihii aan ka kalluumeysan lahayn, waxayna sidoo kale xiisad ka dhex-abuuri doontaa innaga iyo bulshada Soomaaliyeed.”

Kaluumaysatadaan ayaa markii labaad waxa ay la hadleen warbaahinta Kenya kuwaasi oo ka walaacsan Kiiska Badda oo ay Dowladda Kenya isaga baxsaday waxaana kal hore ay sheegen in ay dibad baxyo dhigi doonaan kaa oo ay ku muujinayaan in dowladood ayyan ka qeyb galinin dooda badda ee kala dhaxeysa Somalia ee Maxkamada ICJ.