Dhageysiga dacwada Badda Soomaaliya oo maalintii labaad la guda galay.

Maanta oo Talaado ah waxaa mar kale dib uga billaabanaya maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ ee magaalada The Hague ee dalka Netherlands dhagaysiga dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dawladda Kenya ayaan iyadu qeyb ka aheyn dhageysigii shalay shacay. Maxkamadda waxaa ka maqan dalka Kenya oo horey u sheegay inaysan ka qayb-qaadanayn dhagaysiga.

Maxkamadda caalamiga ah ayaa sheegtay inay ka xuntahay inaysan Kenya ka qayb-qaadan doonin dhagaysiga, hase yeeshee waxay sheegtay maxkamaddu inay hayso qoraallo iyo dokumentiyo ku filan oo ka turjumaya mawqifka Kenya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ayaa sheegay inay iyaguna ka xun yihiin maqnaanshaha Kenya. Mahdi Maxamed Guuleed waxa uu sheegay in maxkamaddu ay siisay Kenya waqti ku filan oo ay ugu diyaar garowdo dhagaysiga.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay go’aanka maxkamadda, waxaana uu sheegay inay donayaan xad rasmi ah oo u dhexeeya labada waddan in loo sameeyo.

Waxaa xusid mudan in dhageysiga dacwadda ay weli socoto, oo maalmaha soo socda lasii wadi doono