Sharciga dhowr!!!=Wabixin=.

Maanta waxay aheyd 15 March 2021 Maalintii Dowlada Hoose ee Xamar ey sheegtay in Qofkii shacab ah ee aan wadan Af xir la ganaaxi doono $ 5, Qofkii Ganacsi ku jirana $ 50. Sidaa daraadeed ayaan Guriga ka soo baxay Anniga oo wato Af xir, si aan ugu hogaansamo sharcigaa, dhowrana Caafimaadkeyga iyo kan Dadka kale.
Haddii aan Runta ka hadalo, intii aan Bajaajka soo saarnaa ayaan Arkay Dad badan oo aan xirneyn. Mar kaliya ayaan goostay intii aan Bajaajka saarnaa in aan tiriyo, Dadka wadada Dhinaceeda marayo ee Shacabka ah. 100kii qof ee ugu horeyn aan tiriyay ee Wadada dhinaceeda marayay 11 Qof oo kaliya ayaa wadatay.
kadibna waxaan tiriyay Ciidamada joogay Baraha Kontorol, ilaalada Xaruma Dowladda, Ciidanka ilaalada Dowlada hoose iyo Istaafyada 50 kii Asgari ee aan tiriyay, 3 kaliya ayaa wadatay, midna Garka ayuu u saarnaa, 46da kale ma wadan.
(FG: Ilaalada ilinka Dekada joogay dhamaantood waa wateen, Bajaajleeyda 93% inta aan arkay waa wataan ama Garkuu u saaran yahay, Haweenka 94% Caadiyan Afku waa u xiranyahay, marka laga Reebo Haweenka Qaadka iibiyo oo 40% kaliya ey xiran yihiin inkasta oo Subax hore ey aheyd).
waa iga talo, hala xirto Af xirka wixii aad doontaba ku xiro ( F.S: 1aad). xayawaanka haka Cali yaraan iyaguba waa kala fogaadaan, Af xirkana waa jecaa lahaayen in loo xiro. ( F.S: 2 & 3aad).
Laakin Ardayda hala hubiyo waqtiga imtixaanka ( F.S: 4aad). Ha isticmaalin Hal xabo muddo dheer ( F.S: 5aad). meel kasta ayaa lala taagan yahay waddada dhinaceeda isaga oo iib ah, waana raqiis.
Maacuunta Guriguna ma noqoto Af xir ee ha isticmaalin ( F.S: 6aad)
Fadalan Sharciga dhowr, walaalahaa iyo Naftaadana dhowr.
Mahadsanid.
Qore: Yahya Amir