Nederland oo hakisay isticmaalka tallaalka AstraZeneca.

Dalka Nederland ayaa noqday dalkii ugu dambeeyay ee hakiyay isticmaalka tallaalka coronavirus ee AstraZeneca, sababo la xiriira walaac laga qabo saameyn uu ku yeesho qeybo ka mid ah jirka.

Dowlada Holland ayaa sheegtay in talaabadaan ay ku dhaqaaqeen ee lagu hakinayo tallaalkasi ay tahay mid loo qaaday dhinaca taxadarka ama hubsiimada,isla markaana illaa 29-ka bishaan Maarso ay sii socon doonaan baaritaanno khuseeya tallaalkaasi .

Jamhuuriyadda Ireland ayaa horay go’aankaan oo kale u qaadatay sababo ku saabsan saameyn tallaalkasi la sheegay in uu ku yeesho unugyada qaabilsan xinjirowga dhiigga .

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in uusan jirin xiriir ka dhexeeya tallaalka iyo halista sii kordheysa ee laga qabo inuu ku dhaco qeybta xinjiroowga.

Wakaaladda Daawada Yurub (EMA) – oo hadda wada dib u eegis ku saabsan dhacdooyinka xinjirowga dhiigga – ayaa sheegtay in faa’iidooyinka tallaalku ay yihiin kuwo wanaagsan marka loo eego halistooda laga filan karo.