Maxaad kala socotaa dalalka iibiya hubka ugu badan caalamka?

Mareykanka ayaa kordiyay kaalinta uu ku leeyahay dhoofinta iyo iibinta hubka noocyadiisa kala duwan.

Sida uu sheegay michad cilmi baarid ku sameeya arrimaha hubka oo fadhigiisu yahay Sweden, Mareykanka ayaa 5-tii sano ee la soo dhaafay waxaa uu dhoofiyay 37% hubkii la iibiyay guud ahaan caalamka.

Dhoofinta hubka ayaa ah mid sii kordhaysa dalalka Mareykanka, Faransiiska iyo Jarmalka marka loo barbar dhigo hubkii ay dhoofiyeen Shiinaha iyo Ruushka.

Hubka ugu badan ayaa waxaa laga iibiyay dalalka ku yaalla bariga dhexe.

“Waa ka hor dhac in la yiraahdo dhoofinta hubka ee 20 sano ugu dambeysay ay dhamaatay,” ayuu yiri Pieter Wezeman, oo ah cilmibaare sare oo ka tirsan machadka cilmi-baarista nabadda ee Stockholm oo xogtan soo uruuriyay.

“Saameynta dhaqaale ee u keenay feyriska Corona ayaa laga yaabaa in sanooyiinka soo socda dalalka qaar ay dib u qiimeyaan hubkii ay soo iibsan jireen, ayuu intaa ku dara.

“Hasa yeeshee sidoo kale iyada oo lagu jiray xilli uu caalamka fara ba’an ku hayay Covid-19 2020-kii ayaa dhowr dal waxay saxiixeen qandaraasyo ay hub ku soo iibsanayaan”, ayuu yiri Pieter Wezeman.

Ku dhawaad kala bar oo dhiganta 47%) hubkii uu Mareykanka iibiyay ayaa waxaa iibsaday dalalka bariga dhexe.

Boqortooyada Sacuudiga oo kali ah ayaa hubkaasi ka iibsatay Mareykanka 24%.

Mareykanka ayaa imika hub ka iibinaya 96 dal taasi oo micnahedu yahay in Mareykanka uu sii kordhiyay dhoofinta hubka 5 sano ee ugu dambeeyay.

Dowlada Faransiiska ayaa dhankeeda kordhisay dhoofinta hubka taasi oo u dhiganta 44%, halka Jarmalka ay ballaariyeen dhoofinta hubka 21%.

Dalalka Israel iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa labadaba kordhiyay dhoofinta hubka inkastoo doorka ay labadan dal ka ciyaarayaan iibinta hubka uu wali yahay mid aad u yar.

Sare u kaca ka iibinta hubka ee bariga dhexe

Bariga dhexe ayaa ahaa suuq ugu wayn ee hubka loo iib geeyo , waxaana loo dhoofiyay intii u dhaxeysay 2016 iyo 2020-kii 25%, taasi oo aad u sareysa marka lo barbar dhigo 5 sano ee ka horeysay.

Waxaa hubka ugu badan bariga dhexe iibsaday Sacuudiga taasi oo gaareysa (61%), Masar (136%) halka Qadar ay gaarsayso (361%).

Sacuudiga ayaa noqday dalka hubka ugu badan ka soo iibsada Mareykanka

Hoos u dhaca hubka ay dhoofiyaan Shiinaha iyo Ruushka

Ruushka iyo Shiinaha ayaa waxaa ada hoos ugu dhacday hubka ay u dhoofiyaan calamka intiisa kale.

Balse waxay wali labadan dal yihiin kuwa hubka ugu badan ka iibiya dalalka saxaaraha ka hooseeya ee Afrika.

Dhoofinta hubka ee Ruushka ayaa hoos u dhacday 22%,.

Shiinaha oo ah dalka shanaad ee hubka ugu badan dhoofiya caalamka ayaa waxaa ibintiisa hubkiisa ay hoos u dhacday 7.8%.

Dalalka Pakistan, Bangladesh iyo Algeria ayaa ahaa dalalka hubka ugu badan ka iibsada Shiinaha.

Xigasho:BBCSomali