Magaalada Muqdisho oo saakay ka soo degtay diyaarad siday Tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19 .

Waxaa saakay magaalada Muqdisho ka soo degtay diyaarad siday tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19 ee Soomaaliya.

Wasiiro oo ay horkaceyso wasiirka caafimaadka Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa garoonka ku guddoomay shixnadda tallaalka ah.

Tallaalka wuxuu gaaraya ilaa 300,000 oo ah nooca Oxford-AstraZeneca si loo gaarsiiyo boqolkiiba 20 dadka ku nool Soomaaliya.

Waxaana tallaalkan la siin doono, howlwadeenada caafimaadka ee ka howlgala cisbitaallada Booliska, dadka da’da ah iyo dadka la daala-dhacaya xanuunada kala duwan.

Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka ka faa’ideysanayo barnaamijka Covax ay garwadeenka ka tahay Qaramada Midoobey ee tallaalka Covid-19 lagu gaarsiinayo waddamada saboolka ah.