Cudurka Corona oo fara ba’an ku haya degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe.

Ayadoo Cudurka Covid-19 uu mar kale si wayn ugu soo laba kacleeyey Soomaaliya oo kiisaska cudurkaasi ay marba marka ka sii dambaysa sii badanayaan ayaa waxaa soo baxaya in cudurku uu fara kulul ku hayo deegaanno ka baxsan caasimadda Muqdisho. deegaanadaas oo sida aan warar ku helayno aan lahayn qalabkii lagula tacaali lahaa cudurka.

Deegaanadaas ayaa waxaa ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe oo cisbitaalka kaliya ee ku yaal aanu oollin qalabka lagu baaro cudurka iyo sidoo kale mid lagu tacaalo dadka cudurka laga helo toona.

Dr Ismaaciil Cali Cumar oo ka hawlgala cisbitaalka guud ee degmada Balcad ayaa BBC u sheegay in sare ay u kacday tirada dadka u dhimanayo cudurka ee degmada isla markaana ay adagtahay in la helo qalabka neefsiga ka caawiyo bukaanada cudurka Covid-19.

Quote Message: “Dhimashadana aad bey u fara badan tahay tirada dhimashada usbuuci waxay u dhaxeysaa 5 ilaa 10..Balcad oo dhan waxaa yaalla hal Oxygen..Oxygen ma lahan degmada, baaritaankii ma jiro, xitaa wacyigelintii cudurka ayaaba yar” from Ismaaciil Cali Cumar oo ka howlgala cisbitaalka Balcad
“Dhimashadana aad bey u fara badan tahay tirada dhimashada usbuuci waxay u dhaxeysaa 5 ilaa 10..Balcad oo dhan waxaa yaalla hal Oxygen..Oxygen ma lahan degmada, baaritaankii ma jiro, xitaa wacyigelintii cudurka ayaaba yar”

Ismaaciil Cali Cumar
oo ka howlgala cisbitaalka Balcad