Ciidamo loo diyaariyay dagaal ka dhan ah Maleeshiyada Al-Shabaab.

Muqdisho.(SONNA):- Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka General Maxamed Cadoow Cali “Sanka” oo kormeer shaqo kumaraya fariisimaha Ciidamada ayaa kormeer Ku tegay Dugsiga Har-qaboobe ee Guriceel oo ka mid ah Xeryaha Tababarka Qaybta 21-aad  oo ay Ku jiraan ciidamo in mudo ahba uu usocdey tababar sare oo lagu barayay xeeladaha dagaalka si loogu diyaar garoobo howlgalada lagu xoraynayo deegaanada maleeshiyada Alshabaab ay ka joogaan Galmudug .

Saraakiisha Dugsiga Har-qaboobe ayaa warbixin ka siiyay Taliyaha Qaybta xaalada Ciidamada xeradan kujira, iyagoo tilmaamey in lagu guuleestay kasoo gudbida marxalado adag oo Ciidamadan lagu diyaarinayay haatana la joogo waqtigii laga faa’iideysan lahaa tababarka Sare ee ay qaateen.

Taliyaha Qaybta 21-aad Gen. Sanka ayaa Ciidamada Dugsigan kujira iyo Saraakiishoodaba Ku amaaney dhabar adeega ay muujiyeen xiliga dheer ee tababarku socdey, waxa uuna balan qaadey in loo dhameystirayo agabkooda si looga faa’iideesto Aqoontooda Ciidan .