Maraykanka oo sheegay in 4ta July dadka Mareykanka ka xoroobi doonaan Cudurka Corona .

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dowladiisa ay dardar-galin doonto dagaalka ka dhanka ah feyriska Corona.

Mr Biden ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka uu heli doono tallaal ku filan kaasi oo ay qaadan doonaan dhammaan dadka waawayn ee Mareykanka dabayaaqada bisha May.

Khudbad uu telefishinka ka jeediyay ayuu Mr Biden waxaa uu intaa ku daray in uu gobol walba ku amri doono in ay diyaariyaan tallaalka si qof walba oo Mareykan ah uu tallaalka u qaato.

Intii uu socday ololaha tallaalka ayaa waxaa mudnaanta la siinayay shaqaalaha caafimaadka iyo dadka waayeelada.

Mr Biden ayaa farta ku fiiqan in maalmo wacan ay soo socdaan ka dib muddo sanad ah oo uu feyriska Corona dhibaato ku hayay Mareykanka islamarkana ay u dhinteen nus malyuun Mareykan ah.