Aqoon iyo waaya aragnimo kasta oo aad leedahay, Haku deg degin Go’aanka…=Nasashada Jimcaha-No. 243=

1. Oday ayaa wiil uu Awoow u ahaa ku yiri:
“Waqtigii aan yaraa oo Da’daada oo kale aan jiray, waxay aheyd Berri samaad, waxaan Jeebka ku qaadan jiran 2 Shilin oo kaliya, si aan uga soo adeegto Suuqa. waxaan Guriga ku soo noqon jiray Aniga oo wato, Hilib, Sokor, Bariis, Yaanyo, Saliid, Saabuun, Mardoof Qaad ah, Baakad Sigaar ah iyo Taraq.
Wwiilkii ayaa yiri: Laakin Awoowe, waqtigaa waxaan filayaa CCTV meel kasta kuma xirneyn. ( F.S: 1& 2aad).
( Haddii Awoowgaa uu ahaa Siyaasi hore, uuna Sheekada ka bilaabo Berri Samaadkii, waxaan lahaa Laba Land Curuser, Billad howlkarnimo, Xilkeeyga la igama qaadi jirin 10 Sanno, waana sii dalaci jiray, Maalin kaliya Jeebkeygu Faaruq ma noqon. waxaad ku tiraa: Awoowe Dadku sidaa ma wada aheyn, Awoowe laakin, Hadda ma jiro XHKS ).
2. Nin Oday ahaa oo Baadiyaha Geel ku ilaalinayay ayaa Rati ka buubaalay, waa ka daba orday waa gaari waayay, Ratigiina waa istaagi diiday.
Odaygii ayaa Bilaabay inuu ku Qeyliyo Owliyadii uu maqli jiray oo Beri hore Dhimatay, .wax uu yiri: Shiikh Aweysoow. Ratigii Ma istaagin. waxa uu yiri: Sh. Cabdulqaadiroow, Ratigii ma istaagi, Waxa uu yiri: Sh. Warsamoow, Waxa uu yiri, Shiikh Jaamacoow, Ratigii Ma istaagin.
Wuxuu soo Xasuustay Sheikh ahaa qaraabadiisa, Tolkana sheikh u ahaa oo Berri Hore dhintay. waxa uu yiri: Ow Saalaxoow hadda waa Adiga iyo Oorta Warangeli. Ratigii waa istaagay.
Odaygii ayaa yiri: Dad waa Dadkaaga Aakhiraba ha kuu jiree. ( F.S: 3 & 4aad)
( Hadda Xafiisyada Dowlada waxaa ka jirto, Dad waa Dadkaaga,Passport Danish ahba ha watee).
3. Nin ayaa lagu yiri: Naagtaadu fool xumo badanaa!. wuxuu yiri: waa sidaasoo aan cideediina ka soo tuugay.
( Nin Masuul hore ahaa ayaa lagu yiri: Madaxa Ergadaadu Dhaqan xumo badanaa! wuxuu yiri: waa sidaasoo 2 Bil aan raadinayaa).
4. Gabar yar ayaa Labada Gacmood ku kala heysatay 2 Xabbo oo Liin ah. Hooyadeed ayaa u timid oo ku tiri: Gabdheeyda aan jeclahayey Labada Liin mid iga sii?.
Gabadhii wey aamustay, Hooyadeed ayey kor u fiirisay, kadibna Gabadhii yareed Hal Liin ayey Afkeed galisay oo qaniintay oo ilkaheeda ku daloolisay, kadibna Liintii Labaad ayey qaniintay.
Hooyadii way iska dhoola cadeeysay si Gabdheeda yar eyna ugu muujin inay ka Niyad jabsantay markii Labadii liinba ey Afka wada galisay .
Kadib maxaa dhacay?
Gabadhii yareed Labadii Liin mid ka mid ah ayey u soo taabatay Hooyadii, kuna tiri: Hooyo, Miidaan qaado, iyadaa ka macaan tan kale. ( F.S: 5aad).
(Aqoon iyo waaya aragnimo kasta oo aad leedahay, Haku deg degin Go’aanka. Qofka sii wakhti uu kuugu sheego ula jeedadiisa).
5. Gabar ayaa tiri: Aabe Nin kaan Qurbaha ka yimid ee aad i leedahay waan kugu darayaa Aamini maayo. Aabihii ayaa ku yiri: maxaa dhacay?. Gabadhii ayaa tiri: shalay ayuu igu yiri: Madaxaan ku saaraa. Aabihii ayaa ku yiri: Taasi ma xumo, waxa uu ka wadaa kor ayaan noloshaada u qaadaa. Gabadhii ayaa tiri: Maya. Aabe, Ninkani isaga oo Bidaar leh oo Madaxa saliid soo marsaday ayuu i leeyahy madaxaad ii saaran tahay, Madaxiisu meel la cuskadaba male ee yaa dhulka lagu kala bajaa. ( F.S: 6aad).
( Odayga Dooqiisa iyo Gabadha Dooqeeda hala kala saaro, sidoo kalena kala saar Madxda amaanteeda iyo Shacabka rabitaankiisa ).
6. Nin oday ah ayaa yiri: waxaa haboon in Dadka aad ka aamusto oo ey ku yiraahdiin waxaa tahay Doqon, intii aad Afkaaga furi leheyd si aad iskgu cadeeyso in aad tahay Doqon.
( Culumada qaar waxaa u haboon in ey iska Aamusan kana qaraabtaan Xafiisyada madaxda, intii ey Afkooda furi lahaayeen Lana ogaan lahaa in ey yihiin ” Culumaa’u Sulda” La dajiyay Hotel, Biilkna loo qoray , eyna yihiinna kuwa aan Damiir leheyn, Lagana iibsaday Aqoontooda Diineed. waxaa la mid ah Oday dhaqameedka dhuuntu hogaamiso ee Habaar Adoonyo iyo Holac Aakhiro ha ka fikireen) (F.S:7 & 8aad).
(waa Jimcee, Meytada Ehel iyo Asaxaabba ha loo duceeyo).
Qore: Yahya Amir