Ra’iisal wasaarihii Ivory Coast oo u geeriyooday cudurka kansarka

Muqdisho:- Ra’iisal Wasaarahii  Ivory Coast Xaamid Bakayoko ayaa u geeriyooday cudurka kansarka isagoo 56 jir ah.

Madaxweynaha dalkaas, Alxasan Ouattara, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Bakayoku  ku dhintay dalka Jarmalka, halkaasoo lagu daweynayay muddaddii ugu danbeysay.

Xaamid Bakayoko ayaa isku haayay xilalka  ra’iisal wasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Ivory Coast

Waxaa xusid mudan in ra’iisal wasaarihiihi ka horeeyay Bakayoko ee lagu magacaabi jiray Amadou Coulibaly uu dhintay 8-dii Luulyo ee sanadkii hore.