Shiinaha iyo Ruushka oo qorsheynaya dhismaha xarun dayax gacmeed.

Wakaaladda hawada sare ee Ruushka Roscosmos ayaa sheegtay inay heshiis la saxiixatay Maamulka Hawada sare ee Shiinaha si loo horumariyo cilmi-baarista la xiriirta oogada dusha sare ee dayaxa iyo meerayaasha kale.

Tallaabadaan ayaa ku soo beegantay iyadoo Ruushku isu diyaarinayo xuska sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegatay duulimaadkii ugu horeeyay ee ay ku tagaan xagga ​​cirka .

Dhismaha saldhigga caalamiga ee Dayax-gacmeedka ayaa fulin doona cilmi-baaris ballaaran oo ay ka mid yihiin sahaminta iyo ka faa’iideysiga dayaxa,iyado Ruushka iyo Shiinaha labaduba ay iska kaashan doonaan qorshaynta, qaabaynta, horumarinta iyo hawlgalinta xarunta cilmibaarista.

Bayaan ka soo baxay wakaaladaha hawada ee labada dal ayaa lagu sheegay in mashruucaan la filayo in ay ku soo biiraan ama la la heli wadamo kale oo ka qeybqaata.