Rabshado ka dhashay Mudaharaadkii ardayda Koonfur Afrika

Booliiska Koofur Afrika ayaa rasaas caag ah ku kala eryay arday jaamacadeed oo dhigayay dibadbaxyo ay kaga cabanayaan dib u dhac ku yimid lacagaha iyo is diwaangelinta jaamacadda.

ArdaydaJaamacadda Witwatersrand ee magaalada Johannesburg ayaa mudaaharaadyada dhigayay tan iyo Insiintii, iyagoo xiray waddooyinka isla markaana abuurayay rabshado, iyaga oo ka cabanaya inaysan qeyb ka ahayn barnaamijka qaranka ee gargaarka dhaqaale ee ardayda.