Madaxweynaha Masar oo Waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Somalia u fadhin doona Dalkaasi.

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax Al-siisii ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka culus ee dhawan Soomaaliya ay u magacawday dalka Masar.

C/fitaax Al-siisii ayaa Warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Ilyaas Sheekh Cumar oo dhawaac loo magacaabay in uu noqdo Safiirka cusub ee dalka Masar,isaga oo fulin doona danaha Somalia ee dalkaasi kaga xiran.

Ilyas Sheekh Cumar ayaa ka mid ah Safiiro cusub oo dhawaan loo magacaabay qaar ka mid ah dalalka Carabta,kuwaas oo qaarkod si rasmi ah uga shaqo billaabay dalalkaasi.