Madaxweynaha Jabuuti oo Soomaaliya iyo Kenya Ugu Baaqay soo Celinta Xariirkooda Diblomaasiyadeed.

JABUUTI:-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Kenya ugu baaqay in ay dib u soo celiyaan xariirkoodii diblomaasiyadeed.

Madaxweyne Geelle oo u warramayay BBC-da ayaa sheegay in labada shacab ee deriska ah ay baahi weyn u qabaan nabad iyo wada-noolaanshaha.

Mudane Geelle ayaa labada dowladood ugu baaqay in khilaafkooda ay ku xalliyaan miiska wadahadalka.

“Labada dal waxaa laga doonayaa in ay xariirkooda dib u hagaajiyaan maadaama labada shacab uu xariir wanaagsan ka dhexeeyay” ayuu yiri mudane Geelle.

Madaxweyne Geelle oo ka jawaabayay eedeyn ah in guddiga xaqiiq raadinta ay u janjeeraan dhanka Kenya ayuu sheegay in natiijada baadhitaanka aanu weli soo gabagaboobin oo aan lagu dhisi Karin go’aan kama dambeys ah isaga oo intaa ku daray in warbixinta guddiga la hor geyn doono kulan madaxeeda IGAD.

Soomaaliya ayaa horay uga biyo diidday warbixin uu soo saaray guddiga xaqiiqo raadinta ee arrimaha Kenya iyo Soomaaliya kaas oo ay ku tilmaantay mid aan xaqiiqda ku salaysneyn.