Shaqsiyaad magaca Culumaa’udiin ku hadlay oo MW Farmaajo ugu baaqay ‘in uusan kursiga isku-dhajin.

Qaar kamid ah Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa madaxda Soomaalida iyo mucaaradka ugu baaqay in ay isku tanaasulaan, isla markaasna u turaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ayaa madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u soo jeediyay in uusan kursiga isku dhejin.

Sidoo kale Sheekh Cusmaan Usuulli ayaa isagana tallo guud u soo jeediyay madaxda Soomaalida.

Warbixin arrinkaasi ka hadleysa waxaa inoo diyaariyay wariyeheena Xuseen Cabdulle Maxamed.