Qarax Miino askar ku dhimatay oo ka dhacay gobolka Bakool.

Xudur:-Weerar loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ayaa lagu dilay seddax askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, xilli ay marayeen duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Sidoo kale qaraxanas ayaa lagu dhaawacay askari kale, waxaana la sheegay in qaraxa kadib ay ciidamadu jiha kasta u fureen rasaas xoog leh, taas oo illaa hadda aan la garaneyn khasaaraha ka dhashay.

Qaraxa kadib ciidamada booliska maamulka Koonfur Galbeed ayaa gudaha iyo daafaha degmada Waajir waxay ka bilaabeen howlgallo ay ku baaxsanayaan raggii qaraxa geliyey goobtaas, waxaana xaafadaha qaar ee magaalada loo baaray gurguri.

Dhinka kale wararka aan ka heleyno gobolka Bakool waxay sheegayaan in ururka Al-Shabaab ay dadka reer miyiga ah ee ku nool deegaano badan oo gobolkaas ka tirsan ay ku amreen inay isaga guuraan, iyagoo aan shaacin sababta, waxuun amarkaasi dadka reer Bakool ku abuuray walaac xoog leh.