Daahir Geelle “Wadahadalada Soomaaliya fagaaro laguma xalin karo, hayeeshee ay muhiim tahay in …”

Muaharax Madaxweynaha Soomaaliya kana mid ah Midowga Musharixiinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa ku baaqay in la siiwado wada-hadallada Midowga Musharixiinta & Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaa uu si cad u sheegay muaharax Daahir Geelle in aan fagaaro lagu xalin karin, hayeeshee ay muhiim tahay in Miis lagu xaliyo si looga gudbo arrimaha murugsan ee taagan.

“Annaga oo ka duuleyna mabda’eenna ah in arrinta Soomaaliya ay miis ku dhamaato oo aan fagaara kale lagu xallin karin, waxaan soo jeedinaynaa in ay sii socdaan wadahadalladi Ra’iisalwasaare Mohamed Hussein Roble iyo Midowga Murashaxiinta, si arrimaha murugsan ee Soomaaliya xal waara looga gaaro ayuu yiri” Musharax Daahir Geelle.

Midowga Musharixiinta & Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan yeeshay kulamo kala duwan, walow kulankii ugu dambeeyay uu kusoo dhamaaday natiijo la’aan.