Itoobiya oo heshay xirmooyinkii ugu horeeyay ee talaalka Covid-19.

Muqdisho:- Waxaa saakay magaalada Adis Ababa ee xarunta itoobiya gaaray talaalka Covid-19 ee ah nooca la yiraahdo Astra Zeneca.

2.2 malyuun oo talaalka taas oo noqoneysa xirmooyin hor u dhac ah ayaa itoobiya ay iminka heshay .

Wasiirka caafimaadka itoobiya Dr Lia Tadesse, ayaa garoonka diyaaradaha ee Adis Ababa ku gudoontay talaalka.

Itoobiya waxay horay u sheegtay in ay qorsheeneyso in ay talaasho 20% dadkeeda dhamaadka sanadkan 2021.

Dowlada Jabuuti ayaa iyadanu shalay heshay talaalka.

Dalkeena Soomaaliya ayaa la filayaa in uu talaalka gaaro maalmaha soo socda.