Ingiriiska oo dhimaya Gargaarka uu siiyo dalal ay ku Jirto Soomaaliya

LONDON:-Hay’adaha samafalka dalka Ingiriiska ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabo xukuumadda dalkaas ay ku dhintay kaalmooyinkii ay siin jirtay dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Hay’adahan oo ay tiradoodu gadaheyso 100 hay’adood ayaa si gaar ah xukuumadda Ingiriiska ugu canaantay kaalmada ay siin jirtay Yemen oo hoos loo dhigay taas oo horay u ahayd 164 milyan oo giniga istarliinka lagana dhigay 87 milyan oo kaliya.

Farriin qoraaleed si sir ah lagu helay ayaa sheegeysa in hoos loo dhigay kaalmooyinkii Ingiriisku siin jiray Soomaaliya iyo Koongada Dimoqraadiga 60%,  Koofurta Suudaan ayaa iyana hoos loo dhigay 59% , halka Nayjeeriya la dhimay 58%.

Hay’adaha samafalka ayaa xukuumadda ra’iisul wasaare Boris Johnson u diray farriin ay ku dareensiinayaan dhibaatooyinka arrinkaa ka dhalan kara iyaga oo sidoo kalena sheegay in arrinka uu dhaawici karo sumacdda Britain.

Yemen oo tobankii sano ee u dammbeysay ay colaado kkhadhaadh ka socdeen ayaa 20 milyan oo ka mid dadweynaha dalkaas waxa ay ku tiirsanyihiin kaalmooyinka bani aadannimo iyada oo laba milyan oo canug oo dalkaasi ku noolna ay la ildaranyihiin nafaqo darro aad halis ugu ah noloshooda.

Hay’adaha qoraalka xukuumadda loo diray ku saxiixnaa waxaa ka mid ah Oxfam, Christian Aid, Save the Children iyo Care International.

Sidoo kale hay’adaha ayaa xukuumadda ku dhaliilay in aanay si wanaagsan uga baaraan-degin hubka ay ka iibiso dalalka qaar ee ay colaaduhu ka jiraan.