QM oo Cambaareysay Qaraxii Xalay Ka Dhacay Muqdisho.

MUQDISHO:-Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay weerar qaraxa loo adeegsaday oo xalay fiidkii ka dhacay makhaayad ku taalla degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareynayaan weerarkii foosha xumaa ee Al-Shabaab ay 5-tii Maarso ka geysteen magaalada Muqdisho, waxa ayna tacsi u dirayaan qoysaska dadkii naftooda ku waayey weerarkaa, iyagoo u rajeynaya caafimaad degdeg ah kuwii ku dhaawacmay”

Taliska Ciidamada Booliska Soomaliyeed ayaa ka warbixiyay qarax khasaaro gaystay oo xalay fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan makhaayad ku taalla degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa xalay ka dhacay Muqdisho ayay laamaha ammaanku sheegeen dad ka badan 10 ruux ay ku dhinteen halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale qaraxa ayaa geystay bur-bur xooggan uu soo gaaray dhismaha Maqaayadda iyo xaafado ka agdhawaa aagga qaraxu ka dhacay.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday Mootada nooca xamuulka qaada oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa sida uu sheegay Afhayeenka ciidanka Booliska.

Dowladda Soomaaliya ayaa weerarkan ku eedeysay in ay ka dambeeyeen kooxda al-Shabaab.