Faahfaahin rasmi ah oo laga bixiyey qaraxii ka dhacay xalay Muqdisho ka dhacay.

Muqdisho:-Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe oo xalay goor dambe warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey khasaarihii ka dhashay qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxaas ayaa ka dhacay maqaayad ku taalla degmada Xamar-Jajab oo lagu magacaabo Luul-Yemeni, aadna ugu dhaw dekedda weyn ee Muqdisho iyo xarunta Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Afhayeenka booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay xaqiijiyeen geerida 10-qof iyo dhaawaca 30 kale, waxuuna sheegay in qaraxaas loo adeegsaday mooto nooca xamuulka qaada ah.

Dadka ku dhibtay qaraxaas oo u badnaa shacab ayaa ka cunteynayey maqaayadda, sidoo kale dadka qaar waxay ku socdaalayeen wadada hor marta maqaayadda.

Sidoo kale waxa jugta qaraxaas ku soo dumay guri u dhawaa maqaayadda, waxaana soo gaaray burbur xoog leh, kaas oo qeyb ka ahaa khasaraha goobta ka dhashay, Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas.