Dowladda Malawi oo Billaabeysa Tallaalka Covid-19.

LILONGWE:-Malawi ayaa heshay 360.000 oo dhibcood oo ah tallaalka AstraZeneca kaas oo loo soo marsiiyay barnaamijka tallaalka caalamiga ah ee COVAX.

Wasiirka caafimaadka Malawi Khumbize Kandodo Chiponda ayaa sheegay in tallaalka la gaadhsiin doono dhammaan gobollada dalkaas.

Wasiirka ayaa sheegay in tallaalka lagu billaabi sdoono howlwadeennada caafimaadka ee safka hore iyo dadka ka shaqeeya arrimaha bulshada.

Dowladda ayaa sheegtay in tallaalka uu bilaaban doono 15-ka bishan March.

Tallaalka Malawi gaadhay ayaa 360.000 oo dhibcood ka timid UNICEF.

Malawi ayaa diiwaan gelisay 32,283 oo kiis iyada oo ay geeriyoodeen in ka badan 1,058 oo qof.