Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Hiiraan.

Muqdisho:- Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab waxay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka gobolka Hiiraan.

Howlgalka oo si gaar ah looga fuliyay deegaanka Ceel-baar iyo deegaano kale oo hoos yimaada ayaa lagu baacsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo dadka shacabka ah halkaas baad kaga qaadi jiray.

Howlgalkan ayaa waxaa horkacayay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiin maamulka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa mar kasta u taagan xoreynta dadka iyo dalka Soomaaliyeed, iyadoo kooxaha argagixisada ay sii dabar go’ayaan.