Nasashada Jimcaha.No-242=( Siyaasiga Somaligu Da’dee uu Siyaasada uga haraa?)=

5. Nin police ah oo Taliye Saldhig ahaa ayaa Taliyihiisi qeybtu u soo diray Fariin ah in uu soo qoro wax qabadkii Saldhiga 24 tii Saac ee la soo dhaafay. Sarkaalka oo Marqaansanaa ayaa wiilkiisii oo 10 jir ahaa ka codsaday in uu warbixinta u diyaariyo, kadibna u diro Taliyaha qeybta.
wiilkii ayaa Qoray warbixintaan: Howl gal xalay ka dhacay qolkeeyga jiifka, ayaa lagu soo qaqabtay 120 Dooli oo looga shakisan yahay in ey diyaarinayeen qaraxyo,
Maantana Waxaan Si KMG ah u Joojiyay cunista Muufada, Waxaana Ka Fikirayaa Inaan gabi ahaanba joojin doono iyo In Kale, wiilkiina waa diray warbixintii.
Subaxdii kale ayaa Aabihii Dalacaadi u timid. isaga oo faraxsan ayuu gurigiisii ku soo noqday, kuma yiri: wiilkeeeygiyoow warbixintaadii waan ku dalacay ee maxaad qortay?.
Wiilkii ayaa yiri: Iska dhaaf Aabe, waan ogaa in aan cidina akhrin warbixinta police ka.
( wax qabadkaaka haddaan la qiimeyneyn, waxaad doornto qor soow ma ahan).
6.Oday 70 jir ah oo Taajir ah ayaa waxaa ku dhacay Xanuunka Covid 19, waxaa la geeyay Isbitaal, kadibna waxaa lagu xiray ( Oxygen) muddo 12 saac ah. waxaana lagu soo dalacay 150 Dollar oo ah qiimihii Oxygen ka. odaygii ayaa markii uu caafimaaday ooyay.
Dhakhtarkii ayaa ku yiri: maxaa kugu dhacay, Haddii Lacagtu kugu badan tahay makaa dhintaa?.
Odaygii ayaa yiri: 12 Saac ayaad Oxygen iga iibiseen, Nolosheyda oo dhan ayaana Allaah lacag la’aan igu siiyay Oxygen hadda ayaana xasuustay Nicmadaa. waxaa Allaah mahadiis ah in uuna Oxygenka noogu soo dhiibin wasaaradda Caafimaadka.
Qore : Yahya Amir