Midowga Musharixiinta oo soo bandhigay qodobaddii ay hor-dhigeen RW Rooble. (Aqriso Qodabada).

Midowga musharixiinta xilka Madaxweyne ayaa soo bandhigay qodobada keenay in uu natiijo la’aan ku soo dhammaado shirkii iyaga iyo Ra’iisul wasaare Rooble habeenkii xalay ku dhexmaray Hotel Decale oo ku yaal gudaha garoonka Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa soo bandhigay qodobadii ay hor dhigeen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kuwaasi oo uu ka biyo diiday.

Qodobada ayaa sidaan ahaa :-

1- In madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday uu qoro dikreeto uu ku cadaynayo in masuuliyadaha iyo go’aanada amniga iyo doorashooyinka uu faraha kala baxo.

2- Si loogu kalsoon karo amaanka dalka iyo kan doorashooyinka in ciidanka laga saaro siyaasada, lana bedelo ama ugu yaraan shaqada laga joojiyo taliyayaasha ciidanka, kuwa cusubna laga saxiixo in ay siyaasada faraha kala baxaan.

3- In la furo masaaxada siyaasada  oo aan cidna idan looga qaadan kulamada, dibadbaxyada, abaabulka kale ee ololaha doorashooyinka, warbaahinta qarankana loo sinnaado.

4-In la cadeeyo ka qaybgalka Midowga ee wadahalada doorashooyinka.

Xukumadda iyo mucaaradka ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu mas’uul ka ahaa in uu natiijo la’aan ku soo dhammaado shirkii saddexaad ee ay yeeshaan.