Madaxweyne Deni oo safar deg deg ah ku gaarey magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa goordhow gaarey magaalada Boosaaso oo habeenkii xalay Al-Shabaab weerar ku qaadeen xabsiga wayn ee magaalada.

Safarka madaxweyne Deni ayaa la xiriira u kuura gelida xaaladda amni ee magaaladda iyo guud ahaan Gobolka, sida ay shaacisay madaxtooyadda Puntand.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa kulamo la qaadanaya Saraakiisha Amniga iyo masuuliyiinta kale ee Gobolka Bari, kuwaasi oo la xiriira xaaladda amniga ee gobolka gaar ahaa magaalada Boosaaso.

Magaalada Boosaaso ayaa habeenkii xalay koox ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku billaawday qaraxyo ku qaadeen xabsiga weyn ee magaalada.

Inta la ogyahay 3 qof ayaa ku geeriyooday, halka 7 kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana ku jira askar ka tirsan ciidanka Puntland.