Cape Town: Sawirrda Muslimiin gacan ka geystay xasilloonida xaafad burcad ay dhibaateeyeen.

Koox culimo Muslimiin ah oo ku sugan dalka koonfur Afrika, ayaa waday howlgal socday seddax sano, si ay nabad uga dhaliyaan deegaanka Manenberg iyo nawaaxiga Cape Town, oo ah goob ay dhibaato ku hayeen burcad iyo mandooriyeyaal.

Sawir qaadaha, Shiraaz Maxamed, ayaa ku wehliyay mid ka mid ah booqashooyiinkoodii isbuuclaha ah.

People gathering for dhikr in Manenberg, Cape Town - South Africa

Habeen kaste oo Khamiis ah, ka dib salaadda Maqrib, waxay culimadan aadaan goobaha burcadda ay ku badan yihiin ee Cape Town, ka dib waxay u qabtaan duco iyo alle bari oo meel bannaan ah ka dhaca.

Ducada waxaa qeyb ka ah in si qurux badan loogu dhawaaqo magacyada Alle iyo sifooyiinkiisa.

A woman looking down from a flat window at people gathered for dhikr in Manenberg, Cape Town - South Africa

Seddaxdii sano ee la soo dhaafay, goobtaas kama uusan dhicin dagaal wayn oo u dhexeeyay burcadda, gaar ahan xilliga saacadda iyo barka ah ee ducada iyo wacdiga ay socdaan, sida ay sheegeen culimada.

Inta badan, waxaa meesha isugu taga 100 illaa 400 oo qof. Waxaa jirtay xilli wacdiga iyo ducada loo keliyeelo ka hadalka arrimaha tacaddiga ee ka dhanka ah haweenka – waa arrin dhibaato ku haysa South Afrika – Waxaa kullankaas ka qeybgalay illaa 2,000 oo qof.

“Tirada muhiim ma ahan. Arrinta cajiibka ah waxay tahay in xaalad kasta oo jirta, aan awood u helnay in ducada iyo wacdiga ay socdaan, seddaxdii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Sheekh Mogamad Saalieg Isaacs oo ka mid ah qabanqaabiyeyaasha.

People gathered outside their flats in Manenberg, Cape Town - South Africa

Manenberg waa xaafad uu aasaasay maamulkii midab-takoorta, sannadkii 1960-kii. Waxaa la dejiyay dadka saboolka ah ee midabka isku dhafka ah leh.

Maamulkii ay hoggaanka u hayeen caddaankii laga tirada badnaa ee xilligaas, waxay si qasab ah oo hab qabiil ah ugu kala sooceen bulshooyiinka, waxayna dadka caddaanka ah dejiyeen meelaha quruxda badan ee fiican ee magaalada.

Deegaankan waxaa ku nool dad lagu qiyaasay 52,000 oo qof oo u badnaa dad Masiixiyiin ah oo shaqo la’aan ah, noloshoodana ay sabool ahayd.

Dembiyada iyo rabshadaha burcadda waxay noqdeen dhibaato wayn.

A boy running between apartments in Manenberg, Cape Town - South Africa

Hadda waxaa Manenberg ka jirto xabad joojin u dhexeysa burcadda, balse waxaa horey halkaas uga dhacay dagaallo ba’an – mid ka mid ah habeennadii ducada, waxay israsaaseyn dhex martay laba burcad.

Sidoo kale dhammaadkii isbuucii hore, afar qof ayaa ku dhimatay rasaas ka dhacday deegaan ay burcad maamulaan oo u dhow Mitchells Plain.

Qabanqaabiyeyaasha waxay dareemayaan in ay adag tahay in qalalaasaha la soo afjaro maadaama dowladda aysan si rasmi ah isugu deyin in ay wax ka qabato.

Sheekh Isaacs, wuxuu aaminsan yahay in wadahadal laga dhex billaabo hoggaamiyeyaasha diimaha ay bilow fiican u tahay arrintan: “Dembiga xuduud ma lahan, mana u kala soocna diimaha.”

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay wanaagsan tahay in dowladda ay wax ka qabato isku-raranka xaafada – iyo in dadka laga caawiyo in ay xaafadaha kale u guuri karaan, halkii meeshan uun ay guryo ka sii dhisi lahaayeen. Wuxuu sidoo kale ku taliyay in askarta ka howlgasha aaggaas la kordhiyo.

People kneeling during a dhikr session in Manenberg, Cape Town - South Africa

Ducadan iyo salaadda waa mid ay si gaar ah u hoggaaminayaan Muslimiinta asal ahaan ka soo jeeda Aasiya ee muddo dheer degganaa South Afrika.

Waxaa sidoo kale ka qeybgala dad Masiixiyiin ah oo magaalada deggan – Qaar na waxay ka daawadaan dabaqyada dushooda.

Sheikh Sameeg stirring a large pot of food in Manenberg, Cape Town - South Africa

Sheekh Sameeg Norodiin, oo ka mid ah qabanqaabiyeyaasha kulanka ducada ee Manenberg, wuxuu cuntada u diyaariyaa dadka meesha isugu yimaada. Waxaa jiro dhaqan laga garanayo Cape Town oo ah in dadka meel isugu yimaada la siiyo keeg ama doolsho iyo waxyar oo macaan, ka dib kullanka.

Balse dadka Manenberg maadaama ay ka duwan yihiin, waxaa la siiyaan cunto kulul, ka dib marka ducada la soo gebagebeeyo.

People gathered for dhikr in Manenberg, Cape Town - South Africa

Manenberg waxaa lagu tilmaamaa meel “si aad halis u ah”. Maamulka waxay ku dareen “aagga cas” sannadkii 2015-kii. Sidoo kale waxaa isla xilligaas adkaatay in muddo bilow ah ay gali waayeen gawaarida Gurmadka degdegga ah. Keliya waxay geli jireen marka ay askar la socdan.

Balse hadda waxay burcadda caawiyaan culimadan in ay roogagga fidiyaan, marka la isu diyaarinayo ducada, sida uu sheegay Sheekh Isaacs.

“Waxaa jiray xilli gaar ah, sannadkii 2018 iyo 2019, oo dembiyadii ka dhacayay Maneberg ay aad hoos ugu dheceen – gaar ahaan, xilliga ay ducada socoto,” ayuu hadalka ku sii daray.

People gathered for dhikr in Manenberg, Cape Town - South Africa

Qabanqaabiyeyaashan Muslimiinta ah, waxaa abaalmarin guddoosiiyay Booliska ka howlgala Manenberg, taas oo sabab u ah kaalintooda ku aadan nabadeynta.

Ujeedada dhow waa in nabad laga dhaliyo halkaas, balse yoolka fog waa in maamulka lagala shaqeeyo sidii loo baabi’in lahaa maandooriyaha iyo burcadda.

Children by a fence in Manenberg, Cape Town - South Africa

Carruurta waxaa looga digaa dhibaatada daroogada, waxaana lagu wacdiyaa in salaadda iyo ducada ay ka soo qeybgalaan. Rajada waxay tahay in aysan gacanta u gelin burcadda.

Masiixiyiint halkaas deggan waxay xushmeeyaan ducada iyo salaadda – Sidoo kale culimadan waxay rajeynayaan in dadka ay tusaan in islaamka uu yahay diin xasillooni iyo nabad.

Sheikh Hasan Pandy in Manenberg, Cape Town - South Africa

Khamiis kasta, waxaa la casuumaa sheekh caan ah ama qof kale si uu dadka ula hadlo. Sheekh Xasan Pandy oo ka mid ah culimada waaweyn ayaa lagu arkay halkaas, isagoo ka hadlayay muhiimadda hooyada.

Badanaa culimada waxay ka hadlaan arrimaha dhibka ku haya dadka sida maandooriyaha iyo dhibaatada dumarka ka dhanka ah iyo arrimaha la xiriira.

Sidoo kale, waxaa mararka qaar la casuumaa Baadariyaal Masiixiyiin ah si ay dadka wax muhiim ah ugu sheegaan.

Worshippers during dhikr in Manenberg, Cape Town - South Africa

“Ducada iyo salaadda waxay dhaliyeen xasillooni ka hirgashay Manenberg,” ayuu yiri Sheekh Isaacs.

“Isbuuciiba halmar ayaan tagnaa. Haddii maalin kasta aan qabano waxay yeelan lahayd saameyn wayn, balse dhaqaalaha la’aanta darteed, nooma suuragaleyso.”