Al-Shabaab oo sheegtay inay sii daysay Maxaabiistii ku xirneyd xabsiga weyn ee Boosaaso

Koox hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday Xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ee Pntland,waxaana ka soo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo Bambaano oo lagu garaacay derbiyada iyo iyo Albaabka Xabsiga,iyada oo dagaal kooban uu dhex maray ciidamadii Ilaalinayay Xabsiga iyo Alshabaab.

Wararka ayaa sheegaya gebi ahaanba in ay baxsadeen maxaabiistii ku xirneyd xabsiga kuwaas oo ku eedeysnaa dembiyo kala duwan.

Alshabaab ayaa sheegtay weerarka lagu qaaday Xabsiga magaalada Boosaaso,iyaga oo cadeeyay in ay xoog ku sii daayeen maxaabiistii Xabsiga ku xirneyd.

Qoraal ka soo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in ay gubeen 4-gaari oo ay lahaayeen ciidamada Puntland,islamarkaana ay sii daayeen Afar boqol oo ku xirneyd xabsiga kuwaas oo ka tirsanaa Al-Shabaab.