War Saxaafadeed: Dowladda Soomaaliya oo ogolaatay in banaanbaxa lagu qabto daljirka Dahsoon

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii Ogolaatay in babaanbaxa ka dhanka Madaxweynaha uu dhamaaday Muddo xileedkiisa in lagu qabto dalnirka Dahsoon.

Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa siddaan u qornaa:

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyada oo tixgelinaysa geeddi socodka dimuqraadiyada, qabsoomidda doorashooyinka qaranka iyo ilaalinta heshiisyadii mucaaradka waxa ay u ogolaatay mucaaradka codsigoodii ahaa in mudaharaadka ay ku qabsadaan fagaaraha Daljirka Dahsoon.

Bilowgii, Xukuumaddu waxay u soo jeedisay mucaaradka in ay mudaharaadkooda ku qabsadaan Eng Yariisow Stadiyoom si loo xaqiijin karo habraacyada xakamaynta COVID-19 ee waajibka ah, laakiin markii mucaaradku ku adkaysteen fagaaraha Daljirka Dahsoon xukuumaddu iyada oo tixgelinaysa heshiisyadii la wada gaaray waxay ogolaatay dalabkii mucaaradka.

Ugu dambayn Xukuumaddu waxay fartay qaban qaabiyayaasha mudaharaadku in ay dibad baxayaasha ku adkeeyaan soo qaadashada afxirka iyo kala fogaanshaha.