Nigeria oo soo furatay Kooxo samafal oo Afduub loo heystay.

Muqdisho:- Dowladda Nigeria ayaa ku guuleysatay in ay soo xoreyso 26 qof oo ka shaqeynaayay howlo samafal, kuwaas oo ay afduubatay kooxda Boko Xaraam.

Ciidamada Nigeria oo howlgal ka sameeyay gobolada waqooyi bari ee dalkaas ayaa ku guuleystay inay soo dayaan 20 nin iyo 6 dumar ah kuwaas oo ku jiray gacanta kooxda argagixisada ah ee Boko Xaraam.

Kooxda Boko Xaraam oo ah koox argagixiso ayaa weeraro ka geystay dalalka Nigeria, Cameron, Chad iyo Niger.