Iskuul Ku Yaalla Canada oo Loogu Magac Daray Hodan Naaleeye

TORONTO:-Guddiga waxbarashada degmada York ee gobolka Ontario ee dalka Canada ayaa si rasmi ah u ansixiyay in dugsiga sare ee Vaughn (Vaan) loo baddelo magaca dugsiga sare ee Hodan Naaleeye.

Toban ka mid ah 12 xubnood ee guddigaas ayaa u codeeyey Hodan Naaleeye magaceeda in lagu beddelo kii hore uga jirey dugsiga sare ee-Vaan.

Allaha u naxariistee Hodan Naleeye oo ah Soomaali Kanadiyaan ayaa sanadkii 2019-kii ku geeriyootay weerar qarax oo lala beegsaday Hotel Cascaseey ee magaalada Kismaayo.

Magac ka beddelidda iskuulkan ayaa ku timi olole ay sameeyeen dadka u dooda dadka madowga ah iyaga oo diiddanaa magaca iskuulka oo horay loogu magac daray nin ka ganacsan jiray dadka madaowga ah qarnigii 18-aad.

Ururrada muslimiinta iyo yuhuudda ee deggen xaafadda u uku yaallo iskuulkan ayaa si wey u taageeray in magacn loogu magac daro Hodan Naaleeye.

Bilo badan ayay qaadatay in la doorto cidda loogu magac darayo iskuulkan iyada oo ugu dambeynna magaca Hodan Naleeye uu nasiib u helay in uu noqdo summad lagu garto dugsigan.