Maamulka Puntland oo soo jeedisay in shirka arrimaha doorashada lagu qabto garoonka diyaaradaha

Maamulka Puntland ayaa soo jeediyay in kulanka lagu wado in uu dhexmaro madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada uu ka dhaco garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

“Dowladda Puntland waxay soo jeedinaysaa in shirarku ka dhacaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu, waxayna ka filaysaa Xafiiska Qaramada Midowbay iyo AMISOM inay diyaariyaan goobta iyo amniga shirarka” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Puntland.

Puntlanda ayaa madaxweynaha ku eedeysay in uu wado tallaabooyin uu ku ‘carqaladeynayo’ wadahadallada ku aadan hannaanka doorashada.

Dhanka kale, Jubaland ayaa sheegtay inay diyaar u tahay ka qeybgalka shirka arrimaha doorashada balse waxay ku xirtay in uu ka dhaco meel amnigeedu si weyn loo adkeeyay.