Ilhaan Cumar oo Wadda Hindise Lagu Cunaqabteynayo Bin Salmaan.

WASHINGTON:-Ilhaan Cumar oo Minnesota ku metasha Congress-ka Maraykanka ayaa shaaca ka qaadday hindise sharciyeed ay ku doonayso in dhaxalsugaha Sacuudi Carabiya, Maxamed bin Salman, lagu soo rogo cunaqabateyn.

Warbixin todobaadkii hore uu baahiyay xafiiska agaasimaha sirdoonka qaranka Maraykanka ayaa lagu sheegay in bin Salman uu amray dilka weriye Jamal Khashoggi oo si arxan darro ah ugu dhintay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Dadka ka faallooda siyaasadda Mareykanka ayaa hindisaha Ilhaan ku tilmaamay mid ka horkeeni kara afhayeenka aqalka wakiillada, Nancy Pelosi iyo xitaa Madaxweyne Joe Biden oo labaduba ka gaabsaday inay tallaabo adag ka qaadaan Maxamed bin Salmaan.

Maraykanka ayaa meesha ka saaray in Bin Salman loo ciqaabi doono dilkii Khashoggi iyada oo taa beddelkeedana ka shaqeyn doonto sidii dib loogu wanaajin lahaa xiriirka Washington iyo Riyadh.

Ilhaan ayaa Twitter ku qortay “Haddii Maraykanka uu si dhab ah u taageero xorriyadda hadalka, dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha, ma jirto sabab aan cunaqabateyn loo saarin Maxamed bin Salman oo ay sirdoonkeenu sheegeen inuu oggolaaday dilka weriye Jamal Khashoggi”.

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa beenisay warbixinta sirdoonka Maraykanka.

Dhaxal-suge Maxamed bin Salman ayaa ah wiilka taajka boqortooyada kala wareegi doona aabihii Boqor Salman oo 85 jir ah, waxaana inta badan uu qabtaa hawlaha xukuumadda.

Sanadkii 2018 ayaa lagu dilay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ku leeyahay Istanbul, halkaas oo lagu jarjaray xubnaha jirkiisa.