Dilalka Saxaafiyiinta oo ku soo badanaya Afghanistaan.

Sadex gabdhood oo u shaqeynayay muuq-baahiye (TV) ka howlgala magaalada Jalalabaad ee dalka Afghanistan ayaa toogasho lagu dilay, waxa u muuqda hirar dilal ah oo qorsheysan.

Wararka ayaa sheegaya in gabdhaha la dilay da’dooda u dhexeysay 18 ilaa 20 sano jir, kuwaas oo lagu dilay labo dhacdo oo kala gaar gaar ah, balse u muuqda in isku meel laga soo qorsheeyay, sidoo kale mid affaraad ayaa dhaawac halis ah soo gaaray.

Gabdhaha saxafiyiinta ah waxay u shaqeyn jireen telefishin gaar loo leeyahay  ee Anikas TV, agaasime Zalmai Latifi ayaa sheegay in sadexda gabdhood ee la dil ay ahaayeen kuwo dhowaan uun ka soo qalin jabiyay dugsi sare.

Taliyaha booliiska gobolka Nangarhar Juma Gul Hemat ayaa wakaaladda AFP u sheegay in ay xireen hogaamiyaha dableyda xilli uu isku dayay in uu baxsado, isagoo intaas ku daray in ninka la hayo uu qirtay dilka sidoo kale ka tirsan yahay Taliban.

Enikas TV ayaa sheegay in 10 gabdho oo saxafiyiin ah ka howlgalaan affar kamid ah ayaa dilay oo ay ku jirto Malalai Maiwand oo dilay bishii December.

Afghanistaan waxaa ka socda dilal is dabo joog ah oo lagu bartilmaameedsado, saxafiyiinta, ololeeyeyaasha iyo siyaasiyiinta.