Shirka “Hotel Decale” ma looga hadlayaa Biyo la’aanta ka jirta Deegaano dhowr ah oo dalka ah Biyo.

Horta waxa looga hadlayo Shirka “Hotel Decale” Mogadishu ma ku jirtaa Danta Malaayiinta Reer Miyiga ah ee ooman, mise waxay ku kooban tahay danaha Siyaasadda iyo Doolarka Reer Magaalka. (F.S:1aad).

 

Qormadaan waxaan ku soo xasuustay, Anigaa iyo Will aan isku dugsi Qur’aan aheyn oo la yiraa Cali Macallin Muxudiin Sh. Axmed oo saqiiro ah, oo lugeeyneynay meel u dhexeeyso” Maraay Suuley” iyo “Runirgood” ayaan Oon dartii u dhiman leheyn, waaan ku fikirnay in aan Kaadideena cabno, Nasiib daro Kaadidii ayaan iska weynay….. walaahi taasi waa nagu dhacday Aniga iyo saaxiibkeey.

Weli Baahidii Biyuhu waa ka jirtaa meela badan oo Miyiga ah ( F.S: 2 & 3aad)
Fadlan Dhaqaalaha Wadanku waxa uu ku xiran yahay 90% Reer miyiga ee tix galin ha la siiyo, waa masuuliyad Aakhiro la is weeydiinayo.
kharajka ku baxayo shirkaa meeqo Booyadood oo Biyo ah ayaa lagu bedeli karaa, Biyaha macaan ee Caagaga ku jiro ee miiska saaran, meeqa Hooyo ayaa loogu bedeli karaa, Biyaha aan nadiifka aheyn ee Dantu biday.
Qore: Yahya Amir