Beesha caalamka oo ka hadashay kulankii mucaaradka iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Beesha caalamka ayaa soo dhaweysay kulankii shaley gelinkii dambe magaalada Muqdisho ku dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo mucaaradka isl markaana ay ku heshiiyeen magacaabidda guddiyo ka shaqeeya qabanqaabada dibadbax nabadeed iyo baarista dhacdooyinkii 19-kii Febraayo.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada inay qabtaan shirka la filayo si heshiis looga gaaro dhaqen gelinta heshiiska arrimaha doorashada.

“Waxaan sidoo kale ku boorineynaa madaxda DFS iyo DGXF inay qabtaan shir-madexeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember, loona soo gabagabeeyo dib u eegista soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo si geedi-socodka doorashada uu u bilaawdo iyadoo aanay jirin dib u dhac dambe” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka.