RW Rooble iyo midowga murashixiinta oo ku kulmay Magaalada Muqdisho+Sawirro

Muqdisho:-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo midowga murshixiinta ayuu galabta kulan ugu furmay Hotel Decale ee Magaalada Muqdisho kaas oo looga hadlayo dhameystirka isfahamkii dhowaan labada dhinac ay gaareen.

Kulanka ayaa waxay labada dhinac diiradda ku saari doonaan sii wadista isfahamkii 25 bisha Febraayo ay wada gaareen Dowladda Soomaaliya iyo murashixiinta.

Kulanka ayaa lagu wadaa marka uu soo dhammaado in ay Warbaahinta la wadaagaan waxyaabaha la isku afgartay.