Ogaal wadaag!!!. (Mucjisaadka Qur’aanka iyo Xisaabta.)

Waxaa dhab ah in maanta oo dhan aad hadasho laakin hadalkaagu uuna lehayn Miisaan Xisabeed. waxaa dhacdo in qof uu qoro Buug, Maqaal, ama hal pragraph, laakin haddii dib loo fiiriyo Kalimadaha uu isticmaalay malaha Miisaan xigmad leh.
Qur’aanka kariimka ah oo 23 Saano soo dagayay waxa uu leeyahay Miisaan mucjisa ah oo Dadka fikiraa ey la yaabayaan xigmaddaa dheeli tiraka leh.
Taa oo keentay in ey la yaabeen Dad badan oo aan markii hore Muslim aheyn, kadibna ey islaameen markii ey qaab xisabeed ugu miisaameen Progaram khaas ah Computerada lagu isticmaalo Buug badan oo Dad ey qoreen eyna arkeen Farqiga Mucjisada ah ee u dhexeeyo Kitaabka Qur’aanka iyo Qoraalada kale ee Beni aadanmku qoray.
Qur’aanka Kariimka ah oo leh Mucjisooyin Badan oo Macnawi ah, bal kuwa xisaabaadka ah aan qaar ka soo qaadano.
Bal Adiguna arag.
Lafdiga Kalimadda Magaca Allaah (الله) waxay ka kooban tahay Saddax Xaraf oo kaliya kuwaa oo kala ah: A, L & H. Sidoo kale Jumlada Towxiidka ( لا اله الا الله ) .
waxa ey ka koobantahay Saddax Xaraf oo kaliya oo kala ah: A, L, H waana isla Saddaxda Xaraf ee Lafdiga Allaah uu ka koobanyahay. ( F.S: 1 & 2aad)
Cidna uma suura galeyso in xuruufta Magaceedu ka kooban yahay oo kaliya laga dhigo Jumlo mufiida ah oo kaamil ah, waana arrin mucjisa Qur’aaniya ah.
Miisaanka Mucjisaadka kale ee Qur’aanka ( F. S: 3 & 4aad)
1. Kalimadda (الأيام) oo Jamac ah waxaa Qur’aanka lagu sheegay 365 mar, waana tirada Maalmaha Sannadku ka koobmo.
2. Kalimadda kale ee ( اليوم ) oo aan jamac aheyn waxaa Qur’aanka kariimka ah lagu sheegay 30 mar, waxaana Tirada maalmaha Bisha.
3. Magaca ( القمر ) waxaa lagu sheegay Qur’aanka 12 mar, waana tirada Bilaha Qamadiga ah.
4. Kalimada ( الشهر ) waxaa iyadana lagu sheegay Qur’aanka 12 mar, waana tirada Bil Sannadeedka aan tirsano.
5. Kalimadda ( الإيمان ) waxaa Qur’aanka lagu sheegay 25 mar.
6. Kalmadda Caksigeeda ah ee ( الكفر ) waxaa Qur’aanka lagu sheegay iyadana 25 mar.
7. Kalimadda ( الدنيا ) waxaa Qur’aanka lagu sheegay Qur’aanka 115 mar.
8. Kalmadda caksigeeda ah ee ( الآخرة ) waxaa iyadana Qur’aanka lagu sheegay 115.
9. Kalmadda ( الملائكة ) oo ah Magaca kuwa aan Alla ku caasin waxaa Qur’aanka lagu sheegay 88 mar.
10. Magaca Caksiga u ah ee Caaiga weyn ( الشيطان ) waxaa isagana lagu sheegay 88 mar.
11. Magaca Beni aadamka ( الناس ) waxaa Qur’aanka lagu sheegay 50 mar.
12. Magaca ( الأنبياء ) waxaa Qur’aanka isna lagu sheegay 50 mar.
13. Magaca ( الرجال ) waxaa Qur’aanka lagu sheegay 24 mar.
14. Magaca Caksigiisa ah ee ( النساء ) ee Haweenka waxaa Qur’aanka lagu sheegay isagana 24 mar.
15. Kalimadda ( الحياة ) ee Nolosha waxaa Qur’aanka lagu sheegay 145 mar.
16. Kalimadda caksigeeda ah ee (الموت ) waxaa iyadana Qur’aanka lagu sheegay 145 mar .
17. Kalimadda ( الحسنات ) waxaa Qur’aanka lagu sheegay 167 mar.
18. Kalimadda Caksigeeda ah ee ( السيئات ) waxaa Qur’aanka iyadana lagu sheegay 167 mar.
19. Kalimadda (السموات ) waxaa Qur’aanka lagu sheegay 7 mar, taa oo ah Caddadka Samaawaadka.
20. waxaa la yaab leh Kalmadda ( العقاب ) Ciqaab waxaa Qur’aanka lagu sheegay 117, Allaah oo naxariis badan Kalmadda Caksigeeda ah ee ( المغفرة ) , in lagaa cafiyo Ciqaabta haddii aad toowbad keento waxaa Qur’aanka lagu sheegay 234 taa oo ah Laba laabkeed waxa eyna muujinee naxariista Alle.
Qur’aanku waxa uu leeyahay Mucjisooyin badan oo xisaabeed oo Marba qaar Beni aadamku uu fahmayo, markasta oo Culuumta Seynisku ey horuumarto waxa la ogaanayaa Mucjisooyin ka yaabiyo kuwa culmiga Casriga ah bartay.
Allaah ha naga dhigo kuwii barto kuna dhaqmo kitaabka Alle. Aamiin
FG: Wixii aan ka khalday iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir