Biyo la’aan ka jirta deegaan ka tirsan Galmudug.

Deegaanno badan oo ka tirsan Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa laga soo sheegayay abaar saamaysay dan iyo duunyaba.

Deegaannadaas ay abaartu ku dhufatay ayaa waxaa laga dareemaa biyo la’aan iyo daaqa xoolaha oo gabaabsi gala, arrintaas oo ka dhalatay roobabkii oo aanan di’in xilligii la filayay.

Deegaanka Dijimaale ee gobolka Mudug ayaa laga soo sheegayo biyo yari baahsan, guddoomiye ku xigeenka degmada Nuur Cabdi Carab ayaa BBC u sheegay in biyo baahsan ay ka jirto deegaanka isla markaana deegaanka ay horaan ka ka taagneyd dhibaatadan maadama dadka deegaanka ay ku tiirsan yihiin hal ceel.