War DEG DEG ah:- Qarax lala beegsaday Guddoomiye degmo iyo Saraakiil Ciidan oo daqiiqado ka hor ka hor dhacay Muqdisho.

Wararka laga helaayo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in goordhow qarax uu ka dhacay,waxaana ka soo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Qaraxa oo ahaa Miino nooca dhulka lagu aasa ah ayaa lala beegsaday guddoomiyaha degmada Yaaqshiid iyo Saraakiil ciidan oo la socotay,waxaana laga helayaa warar kala duwan.

Kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen guddoomiyaha degmada Yaaqshiid iyo Saraakiishaan ayaa qaraxa lagula beegsaday deegaanka Daaru-Salaam,waxaana jugta qaraxaas laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah Muqdisho.

Dhanka kale ilaa iyo haatan lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas,waxaana la maqlay rasaas ay rideen ciidamadii Ilaalada u ahaa guddoomiyaha iyo Saraakiisha la socotay.